"Bilyan Dhaan" Текст
„Bilyan Dhaan“ има текстове на сомалијски језику.
Значење „Bilyan Dhaan“ долази са сомалијски језика и тренутно није конвертовано у енглески превод.
#kingofthecity
Erayada Ahmed xaraf
laxanka samiir zaam
music maftuux cadceed
vocal recording xamaada alcasal
director and makeup by farhiathebosslady
Bilic muuqa bidhaanteedu boga deeqday
Indho buuxsha i bogsiiya igu beeran
Saw dhamays burjigeeda ma bayaamin
Bilyan Dhaan baxsantayda ku badhaadhay
I baxnaansha biligeedaan ku badbaaday
Karka biiya qofkii bartay baaqan waayay
Oo bilaahi farxad beera bilcan weeye
Kooras
Dhibka baaja lurka baanta Boqoradayda
Waana badhkii noloshayda buuxinayay
Oo baasheeda intaan joogo ma buseelo
Oo basharka ruux kalana uma baahdo
Bilan edab ku barbaartay loona bogay
Qof baariya qof bislaaday oo bashaasha
Saw haldha badankayga kuma beerin
Beer luula markan bartay ka mabsuuday
I bogsiiya bidhaanteeda ku qaboobay
Booga dhaya badankayga u baneeyay
Oo bilaahi bilis oo dhan kala baxay